𝗙𝗮𝗵𝗮𝗺𝗸𝗮 𝗚𝗮𝗿𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗠𝗮𝗰𝗺𝗮𝗹𝗸𝗮




Shalay galab, taariikhdu markay ahayd 𝟬𝟲-𝗗𝗲𝗰𝗲𝗺𝗯𝗲𝗿-𝟮𝟬𝟮𝟰, waxaa si heer sare ah inoogu qabsoomay Tababarkeenii muhiimka ahaa ee loogu magac daray “𝗙𝗮𝗵𝗮𝗺𝗸𝗮 𝗚𝗮𝗿𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗠𝗮𝗰𝗺𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗔𝗜 𝗶𝘆𝗼 𝗦𝗶𝗱𝗮 𝗟𝗼𝗼𝗴𝘂 𝗙𝗮𝗮’𝗶𝗶𝗱𝗲𝘆𝘀𝗮𝗻 𝗞𝗮𝗿𝗼 𝗫𝗮𝗴𝗴𝗮 𝗪𝗮𝘅𝗯𝗮𝗿𝗮𝘀𝗵𝗮𝗱𝗮”.
Tababarkan waxaa inoo bixinayey 𝗗𝗿. 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗞𝗵𝗮𝗹𝗶𝗶𝗳 𝗔𝗹𝗶.
Waxaa kasoo qeybgalay dadweyne kala duwan oo ka faa’iidaystay kulankan muhiimka ah ee uu soo qabanqaabiyey Machadka Tababarada Success Skills Institute-SSI.
Ujeedka ugu weyn ee tababarkan ayaa ahaa sidii dhallintu ugu fahmi lahaayeen aalad muhiim ah oo si xawli ah ugu fidaysa dunida oo dhan – 𝘼𝙧𝙩𝙞𝙛𝙞𝙘𝙞𝙖𝙡 𝙄𝙣𝙩𝙚𝙡𝙡𝙞𝙜𝙚𝙣𝙘𝙚 (𝘼𝙄) – iyo sida loo isticmaali karo si waxtar leh xagga waxbarashada iyo horumarinta xirfadaha.