𝗖𝘂𝘀𝘁𝗼𝗺𝗲𝗿 𝗖𝗮𝗿𝗲 𝗦𝗲𝗿𝘃𝗶𝗰𝗲





Mogadishu, 𝟭𝟭-𝗢𝗰𝘁𝗼𝗯𝗲𝗿-𝟮𝟬𝟮𝟰, 𝗠𝗮𝗰𝗵𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗧𝗮𝗯𝗮𝗯𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮 𝗦𝗦𝗜 wuxuu qabtay seminar muhiim ah oo cinwaankiisu ahaa “𝗖𝘂𝘀𝘁𝗼𝗺𝗲𝗿 𝗖𝗮𝗿𝗲 𝗦𝗲𝗿𝘃𝗶𝗰𝗲” (𝗔𝗱𝗲𝗲𝗴𝗮 𝗗𝗮𝗿𝘆𝗲𝗲𝗹𝗸𝗮 𝗠𝗮𝗰𝗮𝗮𝗺𝗶𝗶𝘀𝗵𝗮). Seminarkan ayaa loogu talagalay inay ka faaideystaan ganacsatada, shaqaalaha shirkadaha, iyo ardayda danaynaysa inay fahmaan qaababka ugu wanaagsan ee macaamiisha loogu daryeeli karo laguna qancin karo.
Waxaa seminarka casharada qotodheer ka bixiyey Ustaad 𝗞𝗵𝗮𝗹𝗶𝗱 𝗠𝗼𝗵𝗮𝗺𝘂𝘂𝗱 𝗠𝗼𝗮𝗹𝗶𝗺. Intii uu socday, dhalinyaradii ka qayb gashay ayaa si weyn uga faa’iidaystay aqoonta iyo xirfadaha la isku dhaafsaday, iyaga oo aad uga mahadceliyey fursada iyo xirfadaha cusub ee ay halkaas ka kororsadeen.
𝗠𝗮𝗰𝗵𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗧𝗮𝗯𝗮𝗯𝗮𝗿𝗮𝗱𝗮 𝗦𝗦𝗜 ayaa mar kale muujiyey sida ay uga go’an tahay inay bulshada u fidiyaan Tababaro iyo aqoon dhaxal gal ah oo wax ku ool u ah kobcinta xirfadaha shaqsiga iyo bulshada guud ahaan.